Maalintay taariikhdu ahayd ahayd 14/10/1017, sidii cadaada uma kallihin shaqadaydii eh waxan u baxay hawlo kale oo ii gaar ahaa. Xoogaa wakhti iyo tacab kaddib waxan gurigaaan degganaa oo ku yiil degmada Waaberi gaar ahaan xaafadda Maajo (March) imi goor ay ku dhowdahay 3:00PM. Daal fara badan oo aan dareemayey, inaan ka nasto dacaskaas iyo salaadda casar oo dhow inaan sugo anoo ka fekeraya ayaan si kedis ah ku gam’ay. Haddaan inyar isla maqnaa, waxan boodey iyadoo wadaadka masaajidku eedaanka inta ugu danbaysa ee tawxiidka ah sii geba-gebaynayo. Hal-haleel ayaan ku toosay. Dhakhso ayaan musqusha (suuliga) ku galay, una weeso qaatay. Qolkayga ayaan galay oo funaanad sports ah katabaanka kala degey, si aan masaajidka u aado. Qolka albaabkiisa markaa marayo ayaan arkay Cabdirisaaq Axmed Saalax (inta badan xilliga duhurka ayaan wada hadhsan jirney) oo ila joogey hase ahaatee aan salaadda isu diyaarin eh internet iska isticmaalaya. Waxay aniga ila noqotay inaan dheelalow kacay oo is moodsiiyey eh, aanay salaaddi weli dhoweyn.
Dib ayaan u soo noqday. Mobile kayga oo gogosha madaxeeda yaal ayaan qaatay oo saacadda ka eegay, mise wakhtigu waa 3:23 daqiiqo. Intaan mobile kii dhigay ayaan ku iri; “Abti maxaad u weesa qaadan waydey waa wakhti eh?” Markuu isoo daymooday ayaa sanqadh iyo dhul gariir aannu xammili weyney maqalnay. Anigu waan taagnaa eh dib (gadaal) ayaan gidaarka ugu dhacay. Argagax ayaa xaafadda ka dhacay. Ciyaal hurdey oo sasay, dumar hawl maalmoodkooda ku mashquulsanaa iyo qaar jiifey oo argagax isla oogsadey ayey xaafaddii noqotay! Cabdirisaaq ayaa i waydiiyey; Cali waa maxay? Ma dhul gariir baa? Aniga waxay ila noqotay in guriga madhfac ku dhacy, aniga oo aan u jawaabin ayaan baxay, markaan arkay in dadka gurigu nabad qabo ayaan bannaanka u sii baxay waxan la kulmay dadkii xaafadda oo soo wada baxay, isna waydiinaya waxa dhacay iyo halkuu yahay.
Markiiba waxan degdeg u wacay Axmed Cabdulqaadir Yaasiin (Jebiye) oo aannu si rasmi ah qolka u wada degganahay, laakiin maalintaa ku mashquulsanaa si uu qof xigtadayada ah, oo bukey uu gaadiidka degdegga ugu diyaariyo si uu airportka uga soo qaado. Nasiib wanaag wuu iga qabtay taleefankii. Waxan ku iri; “Axmed xaggee joogtaa?” Wuxu yiri; “airport ayaan joogaa wax kasti waa noo diyaar diyaaradda iyo bukaankii ayaannu sugaynaa”. Waxan ku celiyey; “qaraxi waa xaggee”?
“Markii hore in airport ka naloo ku soo galay ayaannu moodayney, laakiin in aanu airport ka ahayn keliyaan hubaa eh nagama foga” ayuu igu yiri. Intaa kaddib hore ayaan masaajidka u sii galay, si aan salaaddii casar ee aan isu diyaariyey u soo tukado.
Markaan guriga ku soo laabtay ayaan warku helay in wasaaradda A. Dibedda la weereay. Xarunta wasaaradda A. Dibedda markaa waxa ku shaqeeya W. A. Dibedda, w. Qorshaynta iyo w. Caafimaadka. Isu gaynta 3daas haayadood waxan ka aqaanney ilaa 10 qof oo asxaabta ah, intii aan wicistooda ku mashquulsanaa oo aanan midna weli helin ayaan facebook ka ogaadey in uu qaraxu Soobbe ka dhacay. Inyar kadibna waxan arkay Cabdirisaaq Bashiir oo soo qoray inuu ka badbaadey dhaawacse qabo. Taleefankiisa ayaa ii bixi waayey khad xumo darteed. Aniga oo wicistiisa (Cabdirisaaq) ku mashquulsan ayaan qarax kale maqlay, in badanse kii hore waa ka sanqadh iyo gariir yaraa. Intaa ka dib khadka taleefanka iyo internet kuba aad ayey cidhiidhi u noqdeen, oo way adkayd inaad qof is maqashaan.
Goor ay 5:30PM tahay ayaan xagga magaalada u soo baxay. Aniga oo aan isgoyska shaqaalaha soo gaadhin, ayaa Axmed isoo wacay. “Cusbitaalladii way buuxaan, bukaankii meel aannu gaynno ayaannu weyney eh Daarul-Shifa tag inuu bannaan yahay” ayuu igu yiri. Hore ayaan u tallaabsaday oo laamiga Maka La Mukarama ku dhacay. Runtii jewi aan la sawiran karin ayaa ka muuqdey. Gawaadhida gargaarka oo is hor iyo daba maraya, dad haween u badan oo tira-beel ah oo tiiranyo iyo werwer fara badan ka muuqdo ayaa maraya, uuro madow oo aanan xaafadda ka arkayn ayaa magaalada jiq ku ah. Cusbitaalkii aan soo sahmin lahaa waan u dhowaan kari waayey, dad ayaan meelba looga marayn. Dumar barooranaya, kuwo ilmada keliyi dareerayso, kuwo oohintii ka dhammaatay oo wejigu barar iyo guduud fuulay iyo kuwo argagaxsan ayaa buux dhaafiyey. Inaan Axmed ku warceliyo ayaa igu adkaatay khad xumo awgeed, maqrib markaan tukadey ayaan is helnay oo uu ii sheegay inuu meel ka helay Kalkaal Hospital.

No comments:
Post a Comment