Waxan bilaabay inaan ka qayb qaato hawlaha gar-gaar ee loo
qabanayo bukaannadii aan u socdey. Labada bukaan mid xaaladdiisu waa
fiicantahay oo waa is maamuli karaa, midna aad ayuu halis u yahay. Werwer fara
badan ayaan ka qabnaa, laakiin markaad aragto bukaanno kale oo ka sii liita
waad yare samraysaa. Intii hawlhii baadhitaanka loo qabanayey ayaa wakhtigu 11:30PM
gaadhey. Xoogaa wada tashi kaddib aniga waxa lay go’aamiyey inaan caawa soo
seexdo, subaxnimadana xilli hore soo kallaho oo soo hawl galo. Waan soo baxay. Dadku
sidii hore uma badna laakiin weli waa joogaan. Aagga oo dhammi koronto ma laha
oo waa madow (cusbitaalka in matoor gaar ahi u baxayey iyo in kale ma hubo). Tiirarkii
korontada iyo fiilooyinkiiba qaraxa ayaa saameeyey. Gawaaadhida gar-gaarku weli
waa shaqaynayaan. Urta qiiqa iyo qiiqa laftiisuba weli waa jiraan waana xad
dhaaf, weliba hadaad xagga goobta qaraxa u dhowaato olol ayaa kuu muuqan kara.
Habeenkii hurdo fiican ma seexan. Marba waxa i hor imanayey
waxyaabo aan is lahaa bini aadamka kama dhex dhacaan oo aan goob-joog u noqday.
Dad nolasha ku gubtey. Kuwo xubnaha qaar maqanyihiin. Kuwo hilibkooda qudha la
soo ururiyey. Waxa hubaal ah in dadkaas oo dhammi ay lahaayeen qoysas jeclaa oo
wax uun ay ugu tiirsanaayeen, caawase yaabban oo noloshu cidhiidhi ku tahay.
Cid garanaysa sababta waxani u dhaceen ma jirto. Subaxdii xilli hore ayaan soo
kacay. Bajaaj ayaan u raacay dhanka dhakhtarka, mase suurta-gelin eh meel soke
ayaan kaga degey oo dhakhtarka u lugeeyey. Dhallinyaro fara-badan ayaa joogta
oo u yimi gar-gaarka dadka iyo inay dhiig u shubaan.
Cusbitaalka albaabkiisa markaan imi waxan kula kulmay dad
badan. Waxan ka xasuustaa dhawr dumar ah iyo wiil/wiilal wada socdo. Ninka cusbitaalka
ilaaliya ayey wada hadleen, waxayna u sheegeen in dad ehelkooda ah raadinayaan.
“Warqadda gidaarka ku dheggan magacyadaad rabtaan ka eegta” ayuu waardiyihii ku
yiri. Markay eegeen magacii ayey arkeen, “qof ayaa yiri waa ku jiraa” gabadh
ayaa argagaxday oo oohin iyo baroor bilawday. Waardiyaha ayaa markiiba aad ugu qayliyey
oo yiri “maxaad la ooyaysaa saw meesha magacii kama helin, dadka meesha ku
qoran ma dhimane waa kuwii dhaawaca ahaa eh orod u tag”. Isla judhiiba dareen
yididiilo ayaa soo galay oo intay farxad gariirtey ayey deg-deg u gashay
cusbitaalka. Bal sawiro labadaa dareen ee ay wax hal daqiiqo ka yar isu
beddeshey inantaasi. Bal ka warran kuwa jeclaan lahaa inay sidaa oo kale
ehelkooda u helaan.
Magaalada dadka joogey u malayn maayo in qof wax hagraday ku
jirey. Durba waxa bilaabatay wacyi-gelin iyo is kooxaysi. Waa la wada ordayaa
oo dadka naxariis iyo dadaal ayaa ku muuqda. Dadku cusbitaallada koox-koox ayey
u imanayaan. Kuwo baahiyaha sahminaya, kuwo dhiig shubayo iyo kuwo hawlo kale
qabanaya. Dadka daalka iyo dacaska korkooda waad ka garataa laakiin iyagu ma
xasuusn. Waayo, waxa hoos yaal ayaa ka badan. Qaar dhiig shubay iyo qaar aan
nasan illaa xalay oo hadana dedaalaya weeye. Gadiid in la isticmaalaa way adag
tahay oo dadku badi lug ayey isticmaalayaan, cadceed kulaylna way jirtaa. Runtii
dad naftooda huray ayey bulshadii noqotay.
La soco qaybta 4aad……
No comments:
Post a Comment