Saturday, October 19, 2019

Xasuusta Qaraxii Soobbe 14/10/2017. Qaybtii 4aad uguna danbaysey.

Deg-deg ayaa loo magcaabay koox gar-gaarka qaabilsan. Xarun ayey leeyahay laga diiwan geliyo dadka la la’yahay iyo kuwa la hayo. Kooxo ayaa cusbitaallada u dhex maraya oo dadka diiwaan gelinaya. Sidoo kale isla habeenkii ayaa dawladda Turkey qorshaysay inay dadka culus subaxdii qaaddo. Cusbitaallada ayaa soo gudbinayey magaca qofkii qaadis u baahan. Dadkaa la soo gudbiyo isla habeenkii ayaa dokumantiga safarka loo diyaarinayey.

Magaalada gurmad iyo gar-gaarro kala duwan ayaa ka socda. Kuwo dadka cusbitaallada u soo qaada, kuwo dadka la la’yahay diiwaan geliya, kuwa dadka la qaadayo isku dubbarida iyo kuwo dadka fegida diyaaradaha u daad-guraynaya. Dadku waa in gar-gaar ka shaqaynaysa iyo in eheladooda baadi-goobaysa. Runtii, labadaa kooxoodba daal iyo diif ayaa kawada muuqata, isku duruufo se ma aha. Kan ehelkiisa la’ xaaladdiisa murugsan, wejigiisa madowgu daboolay iyo ololka qalbigiisa ku shidan lama sawiran karo.

Dadka oo dhan naxariis iyo walaalnimo ayaa ka muuqata. Isku duubnaan xad dhaaf ah ayaa bulshada dhex taal. Markaad aragto shaqada socota iyo sida loo wado waad nataayiroon oo niyad-sami ayaad dareemin, hawshana dhankaagaad ka gelin. Iyadoo culays wayn iyo murugo fara-badani jirto haddana waxad ku raaxaysan maxabbada dadka la dhex dhigay. Waa wakhti adag oo boqolaal qofi si fudud oo foolxun u dhinteen. Dadku waa wada tiiraanyaysanyahay. Inta nooli kalgacal aan hore u dhex ool ayey isu muujinayaan.

Waa waajib in maalintaas oo kale in dadaalka lasii saddex jibbaaro. Laakiin waxa is waydiin mudan; maxaa kalgacalkii maalintaa ku koobay? Miyaan maalin kasta isku duubnida loo baahnayn? Maxaa shalay dhacay? Maxayse u dhaceen? Mustaqbalka ma dhici doonaan? Iyo kuwo kale oo badan. Runtii, markii hawlihii gar-gaar soo idlaadeen, waxa la sameeyey baroor diiq iyo bannaan baxyo dhawr cisho socdey. Dhacdadii ugu waynayd ayey ahayd. Naxdin iyo murugo ayey wadatey. 

Ugu danbayntii, waxa fiicnayda in wax badan laga korodhsado. In taallo wayn la dhiso oo lagu qoro magacyada dadkii ku naf waayey. Hadda, ku dhowaad kun qof oo hal maalin si foolxun u naf waayey,  in aan magacyadooda la hayni saw ceeb inakuma aha. In dadkaas oo dhan la diiwaan-geliyo oo taariikhda lagu daro ayaa fiican. Haddii la diiwaan-geliyey way fiicantahay. Haddiise aanay dhicin, weli waa la samayn karaa oo dadka eheladooda ayaa laga heli karaa.

Dhamaad...

Cali Cabdirisaaq Cali-Ayaanle (Shar-diid)

Wednesday, October 16, 2019

Xasuusta Qaraxii Soobbe 14/10/1017. Qaybtii 3aad


Waxan bilaabay inaan ka qayb qaato hawlaha gar-gaar ee loo qabanayo bukaannadii aan u socdey. Labada bukaan mid xaaladdiisu waa fiicantahay oo waa is maamuli karaa, midna aad ayuu halis u yahay. Werwer fara badan ayaan ka qabnaa, laakiin markaad aragto bukaanno kale oo ka sii liita waad yare samraysaa. Intii hawlhii baadhitaanka loo qabanayey ayaa wakhtigu 11:30PM gaadhey. Xoogaa wada tashi kaddib aniga waxa lay go’aamiyey inaan caawa soo seexdo, subaxnimadana xilli hore soo kallaho oo soo hawl galo. Waan soo baxay. Dadku sidii hore uma badna laakiin weli waa joogaan. Aagga oo dhammi koronto ma laha oo waa madow (cusbitaalka in matoor gaar ahi u baxayey iyo in kale ma hubo). Tiirarkii korontada iyo fiilooyinkiiba qaraxa ayaa saameeyey. Gawaaadhida gar-gaarku weli waa shaqaynayaan. Urta qiiqa iyo qiiqa laftiisuba weli waa jiraan waana xad dhaaf, weliba hadaad xagga goobta qaraxa u dhowaato olol ayaa kuu muuqan kara.

Habeenkii hurdo fiican ma seexan. Marba waxa i hor imanayey waxyaabo aan is lahaa bini aadamka kama dhex dhacaan oo aan goob-joog u noqday. Dad nolasha ku gubtey. Kuwo xubnaha qaar maqanyihiin. Kuwo hilibkooda qudha la soo ururiyey. Waxa hubaal ah in dadkaas oo dhammi ay lahaayeen qoysas jeclaa oo wax uun ay ugu tiirsanaayeen, caawase yaabban oo noloshu cidhiidhi ku tahay. Cid garanaysa sababta waxani u dhaceen ma jirto. Subaxdii xilli hore ayaan soo kacay. Bajaaj ayaan u raacay dhanka dhakhtarka, mase suurta-gelin eh meel soke ayaan kaga degey oo dhakhtarka u lugeeyey. Dhallinyaro fara-badan ayaa joogta oo u yimi gar-gaarka dadka iyo inay dhiig u shubaan.

Cusbitaalka albaabkiisa markaan imi waxan kula kulmay dad badan. Waxan ka xasuustaa dhawr dumar ah iyo wiil/wiilal wada socdo. Ninka cusbitaalka ilaaliya ayey wada hadleen, waxayna u sheegeen in dad ehelkooda ah raadinayaan. “Warqadda gidaarka ku dheggan magacyadaad rabtaan ka eegta” ayuu waardiyihii ku yiri. Markay eegeen magacii ayey arkeen, “qof ayaa yiri waa ku jiraa” gabadh ayaa argagaxday oo oohin iyo baroor bilawday. Waardiyaha ayaa markiiba aad ugu qayliyey oo yiri “maxaad la ooyaysaa saw meesha magacii kama helin, dadka meesha ku qoran ma dhimane waa kuwii dhaawaca ahaa eh orod u tag”. Isla judhiiba dareen yididiilo ayaa soo galay oo intay farxad gariirtey ayey deg-deg u gashay cusbitaalka. Bal sawiro labadaa dareen ee ay wax hal daqiiqo ka yar isu beddeshey inantaasi. Bal ka warran kuwa jeclaan lahaa inay sidaa oo kale ehelkooda u helaan.

Magaalada dadka joogey u malayn maayo in qof wax hagraday ku jirey. Durba waxa bilaabatay wacyi-gelin iyo is kooxaysi. Waa la wada ordayaa oo dadka naxariis iyo dadaal ayaa ku muuqda. Dadku cusbitaallada koox-koox ayey u imanayaan. Kuwo baahiyaha sahminaya, kuwo dhiig shubayo iyo kuwo hawlo kale qabanaya. Dadka daalka iyo dacaska korkooda waad ka garataa laakiin iyagu ma xasuusn. Waayo, waxa hoos yaal ayaa ka badan. Qaar dhiig shubay iyo qaar aan nasan illaa xalay oo hadana dedaalaya weeye. Gadiid in la isticmaalaa way adag tahay oo dadku badi lug ayey isticmaalayaan, cadceed kulaylna way jirtaa. Runtii dad naftooda huray ayey bulshadii noqotay.

La soco qaybta 4aad……



Tuesday, October 15, 2019

Xasuusta Qaraxii Soobbe 14/10/1017. Qaybtii 2aad

Markii Axmed ii sheegay in ay Kalkaal Hospital ka heleen meel, ayaan damcay inaan aado dhankaa iyo bukaanka, oo bajaaj kaxaystay. Cusbitaalku waxa uu ku yaal inta u dhaxaysa isgoyska Benaadir iyo Digfeer. Wadada ugu fudud oo laga geli karo waxa ay ahayd tan Soobbe, iyadana waxa ka dhacay awgeed macquul ma ahayn in la maro. Waayo, dhismayaal farabadan oo soo dumey, gaadiid marayey oo masiibadu ku qabsatay, ololka iyo qiiqa ka socda weli iyo hawlaha gargaar ee la wado darteed looma dhowaan karayn. Taleex ayaan ka leexannay ilaa tarabuunka ayaan soconnay. Intaan wadada soconey waxay ahayd saxmad oo gawaadhida ayaa ku badnayd. Laakiin, markaan taarabuunka soo gaadhney waxanu aragnay in aysan macquul ahayn inaan bajaajka sii saarnaano. Isgoyska waxa isugu yimi kumanaan gawaadhi iyo bajaajyo ah. Wadada masiibadu ka dhacday oo xidhan, oo dadkii isticmaali lahaa ka soo leexdeen. Iyo meesha oo ay cubitaalo fara badani ku yaalleen  (Digfeer, C. Masaarida, Soomaali Suudanees, Shaafi iyo Kalkaal) awgeed ayey wadadu u xidhantay.

Lug ayaannu ku khasbanaanay. Meeshu aad bay cidhiidhi u tahay. Dad fara-badan oo lugaynaya, oo murugaysan, qaar aan hadlayn oo taabacaya, qaar ilmaynaya, qaar barooranaya, qaar argagaxsan oo ku waydiinaya “cubtitaal hebel ii tilmaam” iyo gawaadhi guux iyo hoon wada yeedhinaysa ayaa wadada ilaa dhakhtarka dhex soconaya. Marba markaad cusbitaal uga dhowdahay dadka iyo sawaxankoodu waa ka sii badanyahay marka kale. Cusbitaalka markaan soo gaadhey ayey igu adkaatay inaan galo. Dad ayaa buuxa, meel kasta dumar ayaa fadhiya oo barooranaya. Qaar ayaa ciidda fadhiya, qaar albaabka ayey fadhiyaan oo laga jiidayaa, qaar way miyir beeleen oo lafahooda ayeyba gargaar ugu baahdeen. Waxaas waxa keenay in qof walbi arkay qof uu jeclaa oo si arxan daran u naf waayey iyo qaar aan waxba la noolayn. Qaarna dad eheladooda ah ayey baadi-goobayaan. Werwer ay bed-qabkooda ka qabaanna way is celin la’yihiin. Sidaan dad eheladooda soo doontay oo meesha ku miyir beelay u caawiyayey, iyo intaan dadka faraha badan dhex jibaaxayey, in gaadhaysa 30 daqiiqo ayey igu qaadayay inaan gudaha galo.

Bal sawiro hooyo qof ay dhashay soo raadisey, oo meesha ku dhacday, oo la sido. Gabadh markaa aqal gashay oo ninkeedii waydey. Mid reero danyar ah u xoogsan jirey oo la la’yahay. Mid tobaneeyo aan cidi ka danbayn agoomeeyey. Mid waayeel ku tiirsanaa goblamiyey. Intaas iyo in ka badan xanuunka ay leedahay habeenkaas ayaad dareemaysey. Daqiiqado yar gudahood ayaad dareen argagax iyo niyad jab ah ku geleysaa. Werwer aan hore kuu soo marin ayaa ku daboolaya! Ma jiro qof aad wejigiisii saxda ahaa arkaysid. Dadka oo dhan wejigooda waxa kaahii, nuurkii iyo quruxdii ka qaaday masiibada dhacday culayskeeda. Weli gar-gaarku waa uu socdaa, oo waxad arkaysaa gawaadhida gar-gaarka oo xawaare ku imanaya, iyo dad laga soo dejinayo.Waxay ahayd dhacdo maalaayiinka Soomaaliyeed saamaysay, dadka ehelladoodu wax-yeelloobeen iyaga lama qiyaasi karo. Waayo, illaa hadda kuwo ayaan eheladooda meel ku sheegin, oo niyadda ku haya haddaad adigu aasan (duugan) lahayd waxbay ahaan lahayd. Kuwaa leh isagoo isku yaal-yaal hadaad heli lahayd. Kuwaa gubtey, kuwo xubin-xubin ayey u go’een, kuwo waa la aqoonsan waayey, kuwana lamaba arag. Bal sawiro dadka sidaa noqday eheladoodu waxay dareemayaan.


Cusbitaalka ayaan galay. Gudihiisu waxad mooddaa god-shinniyeed khalqiga jooga. Qaar iska niyad jabsan, qaar tacsiyaysan, qaar filaya soo kabsasho ehelkooda ah oo degdegaya iyo qaar eheladooda ka eeganaya oo dib u noqonaya ayaa buuxa. Cusbitaalka qaraxii ayaa saameeyey oo dhismihiisu waa is dhex daadsanyahay. Wixii safiito iyo alwaax ahaa waa qaar dhulka daadsan iyo qaar soo laad-laada. Axmed ayaannu is helnay, wuxu ii sheegay in bukaanka la keenay ay laba (2) qof ahaayeen. Midba qol ayuu joogey oo uu iigu geeyey. Qolalku waa buux-dhaaf oo bukaan badan ayaa yaal. Qaar way isla maqanyihiin, qaar way alaladayaan, qaar waa argagaxsanyihiin garaadkooduna ma joogo(shock), qaar wax way kala garanayaan mase hadlayaan, qaar madaxa ayey ruxayaan oo “masiibo wayn ayaa dhacday” ayey hadal ku soo koobayaan.

La soco qaybta 3aad...

Monday, October 14, 2019

Xasuusta Qaraxii Soobbe 14/10/1017 qaybtii 1aad

Maalintay taariikhdu ahayd ahayd 14/10/1017, sidii cadaada uma kallihin shaqadaydii eh waxan u baxay hawlo kale oo ii gaar ahaa. Xoogaa wakhti iyo tacab kaddib waxan gurigaaan degganaa oo ku yiil degmada Waaberi gaar ahaan xaafadda Maajo (March) imi goor ay ku dhowdahay 3:00PM. Daal fara badan oo aan dareemayey, inaan ka nasto dacaskaas iyo salaadda casar oo dhow inaan sugo anoo ka fekeraya ayaan si kedis ah ku gam’ay. Haddaan inyar isla maqnaa, waxan boodey iyadoo wadaadka  masaajidku eedaanka inta ugu danbaysa ee tawxiidka ah sii geba-gebaynayo. Hal-haleel ayaan ku toosay. Dhakhso ayaan musqusha (suuliga) ku galay, una weeso qaatay. Qolkayga ayaan galay oo funaanad sports ah katabaanka kala degey, si aan masaajidka u aado. Qolka albaabkiisa markaa marayo ayaan arkay Cabdirisaaq Axmed Saalax (inta badan xilliga duhurka ayaan wada hadhsan jirney) oo ila joogey hase ahaatee aan salaadda isu diyaarin eh internet iska isticmaalaya. Waxay aniga ila noqotay inaan dheelalow kacay oo is moodsiiyey eh, aanay salaaddi weli dhoweyn.

Dib ayaan u soo noqday. Mobile kayga oo gogosha madaxeeda yaal ayaan qaatay oo saacadda ka eegay, mise wakhtigu waa 3:23 daqiiqo. Intaan mobile kii dhigay ayaan ku iri; “Abti maxaad u weesa qaadan waydey waa wakhti eh?” Markuu isoo daymooday ayaa sanqadh iyo dhul gariir aannu xammili weyney maqalnay. Anigu waan taagnaa eh dib (gadaal) ayaan gidaarka ugu dhacay. Argagax ayaa xaafadda ka dhacay. Ciyaal hurdey oo sasay, dumar hawl maalmoodkooda ku mashquulsanaa iyo qaar jiifey oo argagax isla oogsadey ayey xaafaddii noqotay! Cabdirisaaq ayaa i waydiiyey; Cali waa maxay? Ma dhul gariir baa? Aniga waxay ila noqotay in guriga madhfac ku dhacy, aniga oo aan u jawaabin ayaan baxay, markaan arkay in dadka gurigu nabad qabo ayaan bannaanka u sii baxay waxan la kulmay dadkii xaafadda oo soo wada baxay, isna waydiinaya waxa dhacay iyo halkuu yahay.

Markiiba waxan degdeg u wacay Axmed Cabdulqaadir Yaasiin (Jebiye) oo aannu si rasmi ah qolka u wada degganahay, laakiin maalintaa ku mashquulsanaa si uu qof xigtadayada ah, oo bukey uu gaadiidka degdegga ugu diyaariyo si uu  airportka uga soo qaado. Nasiib wanaag wuu iga qabtay taleefankii. Waxan ku iri; “Axmed xaggee joogtaa?” Wuxu yiri; “airport ayaan joogaa wax kasti waa noo diyaar diyaaradda iyo bukaankii ayaannu sugaynaa”. Waxan ku celiyey; “qaraxi waa xaggee”?
“Markii hore in airport ka naloo ku soo galay ayaannu moodayney, laakiin in aanu airport ka ahayn keliyaan hubaa eh nagama foga” ayuu igu yiri. Intaa kaddib hore ayaan masaajidka u sii galay, si aan salaaddii casar ee aan isu diyaariyey u soo tukado.

Markaan guriga ku soo laabtay ayaan warku helay in wasaaradda A. Dibedda la weereay. Xarunta wasaaradda A. Dibedda markaa waxa ku shaqeeya W. A. Dibedda, w. Qorshaynta iyo w. Caafimaadka. Isu gaynta 3daas haayadood waxan ka aqaanney ilaa 10 qof oo asxaabta ah, intii aan wicistooda ku mashquulsanaa oo aanan midna weli helin ayaan facebook ka ogaadey in uu qaraxu Soobbe ka dhacay. Inyar kadibna waxan arkay Cabdirisaaq Bashiir oo soo qoray inuu ka badbaadey dhaawacse qabo. Taleefankiisa ayaa ii bixi waayey khad xumo darteed. Aniga oo wicistiisa (Cabdirisaaq) ku mashquulsan ayaan qarax kale maqlay, in badanse kii hore waa ka sanqadh iyo gariir yaraa. Intaa ka dib khadka taleefanka iyo internet kuba aad ayey cidhiidhi u noqdeen, oo way adkayd inaad qof is maqashaan.

Goor ay 5:30PM tahay ayaan xagga magaalada u soo baxay. Aniga oo aan isgoyska shaqaalaha soo gaadhin, ayaa Axmed isoo wacay. “Cusbitaalladii way buuxaan, bukaankii meel aannu gaynno ayaannu weyney eh Daarul-Shifa tag inuu bannaan yahay” ayuu igu yiri. Hore ayaan u tallaabsaday oo laamiga Maka La Mukarama ku dhacay. Runtii jewi aan la sawiran karin ayaa ka muuqdey. Gawaadhida gargaarka oo is hor iyo daba maraya, dad haween u badan oo tira-beel ah oo tiiranyo iyo werwer fara badan ka muuqdo ayaa maraya, uuro madow oo aanan xaafadda ka arkayn ayaa magaalada jiq ku ah. Cusbitaalkii aan soo sahmin lahaa waan u dhowaan kari waayey, dad ayaan meelba looga marayn. Dumar barooranaya, kuwo ilmada keliyi dareerayso, kuwo oohintii ka dhammaatay oo wejigu barar iyo guduud fuulay iyo kuwo argagaxsan ayaa buux dhaafiyey. Inaan Axmed ku warceliyo ayaa igu adkaatay khad xumo awgeed, maqrib markaan tukadey ayaan is helnay oo uu ii sheegay inuu meel ka helay Kalkaal Hospital.

Sunday, October 13, 2019

Gabay. June/09/2019

Dusha ceerigaabiyo ilaa daalo cidhifkeeda
Durduri iyo xeebtiyo ilaa dixaha sii baahsan
Xingalool dariiqaa galiyo soolka darafkiisa
Dacallada Hadaaftimo ilaa Badhan daraygeeda
Mar hadii gugii uu ku da’ay daadna mulacyeeyey
Oo seben barwaaqeed ku degey damasha  meesheeda
Oo noolihii doogsadeen loo dewrinaayey
Oo caana diiq lagu jiriyo doobbi wada buuxa
Inaan Xamar dangiigaa ragyohow waa dammiinimo e
Daris ubax leh doog iyo naq iyo dooxo biyo haysa
Geela dararay doobigan hodmee lagaga duugaayo
Faras dananay geenyada dabrane daawashada fiican
Qalbigaa ku doogsada halkii dookhu kaa galo e
Dermadayda ii laab halkaa waw degdegayaaye.

Cali Cabdirisaaq Cali-Ayaanle (Shar-diid).

Hawl-gelin

Maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2019, waa markii ugu horraysey ee aan hawl geliyo mareegtan. Hadda wixii ka danbeeya, waxan ku soo diyaarin doonaa qoraallo xiiso leh, oo aad u xirfadaysan isla markaana cilmiyaysan.