Deel-Qaafka iyo Maansada
Ereyga Deel-Qaaf xagguu
ka yimi ?
Berigii hore ee aanay jirin higgaadda af-soomaaligu, dadku
waxa ay isticmaali jireen higgaadda carabiga. Tusaale ahaan: shibbanaha “S” oo
soomaali ahaan u higaadsamaya “sa” berigaa hore sida carabiga ayaa loo higaadin
jirey, oo wuxu noqon jirey “siin”. “D” oo noqonaysa “da” waxa la oran jirey
“deel” ama “daal”. Halka “Q” oo soomaali ku noqonaysa “Qa” loogu dhawaaqi jirey
“qaaf”. Marka halka waxaynu ka famaynaa
in ereyga “Deel-Qaaf” yahay labada shaqal ee “D” iyo “Q” oo inta laysku sidkay,
carabi ahaan loogu dhawaaqay (Deel iyo Qaaf) Halkaas oo uu ka abuurmay erey
soomaali ah oo cusub.
Macne ahaan
waa maxay Deel-Qaaf?
Macnaha ereyga “Deel-Qaaf” waxaynu u kala qaadin labada
qaybood ee af-soomaaliga look ala saaro ee kala ah tix iyo tiraab.
1.
Macne
tiraabeed: Deel-Qaafku wuxu noqonaya qadaf ama qalad aad ku dhacday,
waxana loo adeegsadaa marka aad qof wax aanu/aanay ku mudnay aad ku/ka sheegto.
2.
Macne
tixeed: macne tixeedku laba ayuu kala noqonayaa.
Ø kan hore
macne ahaan wuxu la mid yahay macne tiraabeedka; oo waxay noqon in qofku
maansada u adeegsado ereyo aan ku habboonayn oo maag ama cay ah.
Ø Kan laabad
na waa kan aan is leeyahay waa halka uu ereyga “Deel-Qaaf” kuba abuurmay. Sida la
wada ogyahay maansada soomaalidu xaraf raac ayey leedahay. Qofka maansoonaya oo
hal jeer ama ka badan ka leexda xarafka uu ka maansoonayo, ayaa loo yaqaan
DEEL-QAAF. Halkan macne ahaan wuxu ereygu sheegayaa in laba erey (Deel iyo
Qaaf) oo kala duwan, oo aan is qaadan
karin la isku candho iyo bayd gooyey oo gadhka laysu geliyey. Waa in qofka
maansoonayaa uu qaafiyadda iyo xaraf raaca maansada ka baydho. Tusaale ahaan in
qofka oo xarafka “S” ka maansoonayey uu halkii erey “S” ka bilawda laga rabey
uu erey kale oo aan “S” ka bilaabmin ku daro. Tusaale aniga oo ka gabyaya
ereyga “S” haddii aan dhaho “mar hadduu SALLAANkii la jabay waan ku FAARAXAYE”
Deel-qaaf ayey noqon oo halkii erey “S” ka bilawda layga rabey ayaanan gelin.
Haddaan iraahdo “mar hadii SALLAANkii la jabay waa SIDAAN rabaye” maanso ahaan
waa sax.
Maansayahannadii
iyo Deel-Qaafka
Sida diiwaanka lagu hayo, maansayahannadii hore Deel-Qaafka
waa ka hawoon jireen, ceebna waa ay u yaqaaneen. Cali-Dhuux Deel-Qaafka waxa uu
u yaqaanney wax maansayahanka haybadda lihi ka hawoodo, oo haddii maansadiisa
lagu arko hoos u dhigi karta. Waa kii lahaa: “ma daleeyey Deel-Qaafku waa kaa
dilaa gabaye.” Halkan waxa ku cad in Cali-Dhuux aaminsanaa in deel-qaafku
gabayga xumeeyo oo gabaynimadiisa hoos u dhigo. Mar kale wuxu yiri: “hambalaalaq
Deel-Qaaf leh waan waan kala hawoodaaye.” Meeriskan haddii la sii dhuuxo, waxa
kuu caddaanaysa inuu ceeb u arkayey in maansada Deel-Qaaf lagu arkaa.
Hadaba waxa is waydiin mudan: “Cali-Dhuux iyo raggii la
ayniga ahaa Deel-Qaaf ma lagu arkay?” Haddii jawaabta “HAA” lagu yiraahdo saw
la yaab kugu noqotee? Inta diiwaanka ku jirta, waxa laga heli kara rag
maansadoodu Deel-Qaaf leedahay.
Tusaalayaal
Cali-Dhuux haddii aan
ku bilaabo, inta aan ka hubo hal gabay ayaan Deel-Qaaf ku arkay. Gabaygiisii Maxay Macaash Keentay oo xarafka “M” kuu socdey, ayaa meeris ka mid
ah lagu arkay Deel-Qaaf. Wuxu yiri:
“Hadiise dhiig macaan leeyahay,
iyo maal lakala qaado
Ragu waa ragii Gaaniyow, riday minkiiniiye
Waa ragii miskiin iyo
agoon, miidhan kaa dhigaye”
Meeriska
labaad ayaa qaybtiisa hojiska laga waayey xarafkii “M” ee ay maansadu ku
socotey, taasoo noqonaysa Deel-Qaaf.
Qamaan
Bulxan haddii aad maansadiisa baadhid, inta aan hubo laba gabay ayaa
Deel-Qaaf ku jiraa. Kan kowaad waa
gabagiisii uu Guba ku soo galay. Wuxu yiri:
“Waa
gobol dillaacid iyo ciil, dibinta ruugaaya
Iyo gobol runduda oo fadhiya, dagagga weeyaane”
Iyo gobol runduda oo fadhiya, dagagga weeyaane”
Xarafka
uu Qamaan ka gabyayey waxa uu ahaa “D”. Misna markaad meeriska danbe eegto qaybta
hooriska erey “D” ka bilaabmayaa kuma jiro. Taas macnaheedu waa in gabayga
Deel-Qaaf ku jiro!
Mar kale
Qamaan gabayadiisii silsiladddii Halac-Dheere gabay ka mid ah ayaa Deel-Qaafku
ka soo muuqday. Gabayadu inta badan xarafka “H” ayey ku socdeen, Qamaan mar uu
rag u soo hiilin doona tirinayey waxa uu yiri:
“Hareer waxayga
iga xiga Saahidooy, hiladii buuxdaaye
Dubbad Hiirad
heel laguma ridin hanadkii dhuubnaaye
Cilmi raage iyo Yuusuf baa hoos dhig ii maqane”
Cilmi raage iyo Yuusuf baa hoos dhig ii maqane”
Sida muuqata meeriska 3aad hojiskiisa
kuma jiro erey “H” ka bilawda, taasoo noqonaysa in gabayganina Deel-Qaaf
leeyahay.
Ismaaciil Mire haddaynu aadno, gabaygiisii caanka ahaa ee Guuguule ayaa deel-Qaaf ka soo muuqday.
Gabaygani xaraf raaciisu wuxu ahaa xarafka”G”. Laakiin bilawgaba waxa kaaga
muuqanaysa in uu Deel-Qaafay. Ismaaciil wuxu yiri:
“Guuguulihiiyoow haddaad gu’ga u ooyayso
Haddaad moodey
keligaa inuu gubayo jiilaalku”
Meeriska danbe ee gabayga ayaa
Deel-Qaafku ka muuqdaa; gabayga hojiskiisa ayaa laga waayey erey ku bilawda
xaraf “G” ee uu gabaygu ku socdey, taasoo la macno ah inuu Deel-Qaaf yahay.
FG: Maansooyinka aan tusaalaha u soo qaatay,
waa sida ay diiwaanka ugu jiraan. Waxna kuma darin, waxna kama reebin.
waxa qoray: Cali Cabdirisaaq Cali-Ayaanle (Shardiid)
Fadlan ra'yigaaga hoos iigu reeb.