Sunday, February 6, 2022

Soomaaliya Xaggee Bay Ku Socodtaa?

     22kii sano ee u danbaysey, Soomaaliya waxay ku jirtey dib u kabasho rasmi ah, gaabis kasti haku jiree. Inkastoo aan laysku waafaqsanayn hannaanka dawlad dhiska iyo meesha laga bilaabay, hadan waxa la filanayey in hore uun loo soconayo. Dhibaatooyinka ugu waawaynse waxay ahaayeen fahamka dawladnimada laga haysto, iyo cidda hoggaanka marxaladda la joogo ku habboon. Meesha wax laga bilaabayo iyo sida loo bilaabayo aragti dheer laguma eegin. Horusocod baase looga dan lahaa.

     Sannadahaa, madaxawayne kasta oo yimaaddaa wuxu la imanayey bilaw cusub. Waayo? Wax haayado dawli ah oo dhisan iyo qorshe qabyo ah oo hore u wadid u baahan lagama dhaxli jirin cidda markaa xilka ka degtey. Inta badan waxay ku koobnayd arrimaha amniga iyo dib u heshiisiin afka baarkiisa ah. 2012 laga soo bilaabo, waxa bilawday dib u hawl gelinta haayadaha dawliga ah ee adeegyada maalinlaha ah bixiya. Inakastoo ay caqabadahooda wadteen, haddana gaabis farabadan ayaa ku jira. Qaarkoodna si kas ah ayaaba looga meermeerayey, sida hagaajinka garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah. Intaas oo dhan horumar ayaa loo arkayey, wixii dhimanna isbedelka danbe iyo maamulka cusub ayaa laga rajayn jirey.  Haddaba is waydiintu waxay tahay Soomaaliya xaggee ku socodtaa? Marka la eego xaaladdii la soo maray 5tii sano ee u danbeysey, in la qeexo meesha loo socdaa way adkaanaysaa. Waayo? Waxa jahawareer ka dhacay, waxa xukuumadda markaa jirta laga rabo inay mabda' ahaan u ilaaliso iyo sida ay duruufaha ula macaamilayso. Tusaale; waxa laysla qirsanyahay in Soomaaliya dib u heshiisiin u baahantahay. Misna lama yaqaan sida loo heshiinayo, cidda heshiinaysa iyo waxa laga heshiinayo. Taasi waxay kalliftay inaan dhawr iyo toban sano wax dib u heshiisiin ah la samayn.

     Qodobka kale, waxa laysla fahamsanyahay in Soomaaliya qabiilka aad ugu nugushahay, isla markaana ay tahay wixii toos qabiilka u taabanaya in faraha laga ceshado. Laakiin 5tii sano oo u danbeysey dadku si furan ayey qabiil ugu kala safanaayeen. Taasina waa fashil ku yimid dawladnimadii la yabyabayey. Sidoo kale, dhibaatooyin dad samey ah, oo kas loo falkayey ayaa dhacayey. Madaxdu inta badan, intay ka maxaabsadaan ayey iska tegi jireen, laakiin xukuumadda hadda joogtaa waxad mooddaa inay mustaqbalku siduu u ekaan lahaa si kama' ah u qaabaynayso. Musuqmaasuq meel walba wuu galay, awelna waa ku jirey. Shaqo kasta oo la qabanayo in la musuqmaasuqo weligeed way jirtey. Ciidaank, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha oo u badan ayaa la musuqmaasuqi jirey. Ciidanka garaaddo aysan xaq u lahayn oo gaadhin ayaa lagu daxi jirey. Haddeerse mid baa u dheer. Da' yaraan ayaa lagu siinayaa garaaddo aanu u qalmin, awood fulineedna waa loogu daray. Taasi dhibaato wayn ayey mustaqbalka keenaysaa. Xukuumaddani waxay xoogga saartay inay ilaa xad dhallinyarada awood siiso. Beddelkeeda waxay aad hoos ugu dhigtay waaya arag kasta oo faham siyaasadeed hayey. Marka dadkii fahamka iyo waaya aragnimada siyaasadeed lahaa dhinac loo leexiyo, ee dhallinyaro la soo boodsiiyey lagu beddelo, waxay dib u dhac u tahay hannaanka dawlad dhiska. 

     Tusaale; wiil aan 30 gaadhin marka darajada Sarreeye Guudto la gaadhsiiyo, welibana awood loogu daro, fahamkiisa guud wuxu noqonayaa inuu qofkan dallacsiiyey abaal ku leeyahay, ayna tahay inuu qofkaa qudha awoodda iyo garaaddada ugu adeego. Waana sax oo qofka wax aanu xaq u lahayn siiyey, abaal wuu ku leeyahay. Hadduuse si xaq ah u heli lahaa darajada, wuxu u fahmi lahaa wax uu dawladdiisa xaq ugu yeeshay, ayna tahay inuu iyada ugu adeego. Halkaa waxa ka soo baxaya dhallinyaro farabadan, oo aan faham ka haysan dawladnimada, dib u dhiska iyo horumarka. Baarlamanka la dooranayo hadda, dadka u badani qaar bilaa khibrad ah ayey noqonayaan. Taasina dhaawac wayn ayey ku tahay dawlad dhiska. 

     Marka intaas laysla akhriyo, xukuumaddu aaminsantahay in dalka lagu kala adkaado, laakiin aanay aqoon cidda ay ka adkaanayso. Marka dadkii aragtida iyo fahamka waaya aragnimadu siisay siyaasadda laga mamnuuco, oo dhallinyaro "YES SIR" aan waxba dhaafsiin karin lagu beddelo. Marka dadkii la qaybiyo, oo qabiil sharfan iyo qabiil mooryaan ah laga dhigo. Marka hayadihii amnigu siyaadda ka shaqeeyaan, waxa soo baxaysa inaan la aqoon halka Soomaaliya ku socodto.



W/Q Cali Cabdirisaaq Cali (Shardiid)




No comments:

Post a Comment