Monday, December 2, 2019

Deel-Qaafka iyo Maansada


Deel-Qaafka iyo Maansada

Ereyga Deel-Qaaf xagguu ka yimi ?

Berigii hore ee aanay jirin higgaadda af-soomaaligu, dadku waxa ay isticmaali jireen higgaadda carabiga. Tusaale ahaan: shibbanaha “S” oo soomaali ahaan u higaadsamaya “sa” berigaa hore sida carabiga ayaa loo higaadin jirey, oo wuxu noqon jirey “siin”. “D” oo noqonaysa “da” waxa la oran jirey “deel” ama “daal”. Halka “Q” oo soomaali ku noqonaysa “Qa” loogu dhawaaqi jirey “qaaf”.  Marka halka waxaynu ka famaynaa in ereyga “Deel-Qaaf” yahay labada shaqal ee “D” iyo “Q” oo inta laysku sidkay, carabi ahaan loogu dhawaaqay (Deel iyo Qaaf) Halkaas oo uu ka abuurmay erey soomaali ah oo cusub.

Macne ahaan waa maxay Deel-Qaaf?

Macnaha ereyga “Deel-Qaaf” waxaynu u kala qaadin labada qaybood ee af-soomaaliga look ala saaro ee kala ah tix iyo tiraab.
1.      Macne tiraabeed: Deel-Qaafku wuxu noqonaya qadaf ama qalad aad ku dhacday, waxana loo adeegsadaa marka aad qof wax aanu/aanay ku mudnay aad ku/ka sheegto.
2.      Macne tixeed: macne tixeedku laba ayuu kala noqonayaa.
Ø  kan hore macne ahaan wuxu la mid yahay macne tiraabeedka; oo waxay noqon in qofku maansada u adeegsado ereyo aan ku habboonayn oo maag ama cay ah.
Ø  Kan laabad na waa kan aan is leeyahay waa halka uu ereyga “Deel-Qaaf” kuba abuurmay. Sida la wada ogyahay maansada soomaalidu xaraf raac ayey leedahay. Qofka maansoonaya oo hal jeer ama ka badan ka leexda xarafka uu ka maansoonayo, ayaa loo yaqaan DEEL-QAAF. Halkan macne ahaan wuxu ereygu sheegayaa in laba erey (Deel iyo Qaaf)  oo kala duwan, oo aan is qaadan karin la isku candho iyo bayd gooyey oo gadhka laysu geliyey. Waa in qofka maansoonayaa uu qaafiyadda iyo xaraf raaca maansada ka baydho. Tusaale ahaan in qofka oo xarafka “S” ka maansoonayey uu halkii erey “S” ka bilawda laga rabey uu erey kale oo aan “S” ka bilaabmin ku daro. Tusaale aniga oo ka gabyaya ereyga “S” haddii aan dhaho “mar hadduu SALLAANkii la jabay waan ku FAARAXAYE” Deel-qaaf ayey noqon oo halkii erey “S” ka bilawda layga rabey ayaanan gelin. Haddaan iraahdo “mar hadii SALLAANkii la jabay waa SIDAAN rabaye” maanso ahaan waa sax.

Maansayahannadii iyo Deel-Qaafka

Sida diiwaanka lagu hayo, maansayahannadii hore Deel-Qaafka waa ka hawoon jireen, ceebna waa ay u yaqaaneen. Cali-Dhuux Deel-Qaafka waxa uu u yaqaanney wax maansayahanka haybadda lihi ka hawoodo, oo haddii maansadiisa lagu arko hoos u dhigi karta. Waa kii lahaa: “ma daleeyey Deel-Qaafku waa kaa dilaa gabaye.” Halkan waxa ku cad in Cali-Dhuux aaminsanaa in deel-qaafku gabayga xumeeyo oo gabaynimadiisa hoos u dhigo. Mar kale wuxu yiri: “hambalaalaq Deel-Qaaf leh waan waan kala hawoodaaye.” Meeriskan haddii la sii dhuuxo, waxa kuu caddaanaysa inuu ceeb u arkayey in maansada Deel-Qaaf lagu arkaa.

Hadaba waxa is waydiin mudan: “Cali-Dhuux iyo raggii la ayniga ahaa Deel-Qaaf ma lagu arkay?” Haddii jawaabta “HAA” lagu yiraahdo saw la yaab kugu noqotee? Inta diiwaanka ku jirta, waxa laga heli kara rag maansadoodu Deel-Qaaf leedahay.

Tusaalayaal

Cali-Dhuux haddii aan ku bilaabo, inta aan ka hubo hal gabay ayaan Deel-Qaaf ku arkay. Gabaygiisii Maxay Macaash Keentay  oo xarafka “M” kuu socdey, ayaa meeris ka mid ah lagu arkay Deel-Qaaf. Wuxu yiri:
“Hadiise dhiig macaan leeyahay, iyo maal lakala qaado
Ragu waa ragii Gaaniyow, riday minkiiniiye
Waa ragii miskiin iyo agoon, miidhan kaa dhigaye”
Meeriska labaad ayaa qaybtiisa hojiska laga waayey xarafkii “M” ee ay maansadu ku socotey, taasoo noqonaysa Deel-Qaaf.

Qamaan Bulxan haddii aad maansadiisa baadhid, inta aan hubo laba gabay ayaa Deel-Qaaf ku jiraa. Kan kowaad waa gabagiisii uu Guba ku soo galay. Wuxu yiri:
Waa gobol dillaacid iyo ciil, dibinta ruugaaya
Iyo gobol runduda oo fadhiya, dagagga weeyaane
Xarafka uu Qamaan ka gabyayey waxa uu ahaa “D”. Misna markaad meeriska danbe eegto qaybta hooriska erey “D” ka bilaabmayaa kuma jiro. Taas macnaheedu waa in gabayga Deel-Qaaf ku jiro!
Mar kale Qamaan gabayadiisii silsiladddii Halac-Dheere gabay ka mid ah ayaa Deel-Qaafku ka soo muuqday. Gabayadu inta badan xarafka “H” ayey ku socdeen, Qamaan mar uu rag u soo hiilin doona tirinayey waxa uu yiri:
“Hareer waxayga iga xiga Saahidooy, hiladii buuxdaaye
Dubbad Hiirad heel laguma ridin hanadkii dhuubnaaye
Cilmi raage iyo Yuusuf baa hoos dhig ii maqane”
Sida muuqata meeriska 3aad hojiskiisa kuma jiro erey “H” ka bilawda, taasoo noqonaysa in gabayganina Deel-Qaaf leeyahay.

Ismaaciil Mire haddaynu aadno, gabaygiisii caanka ahaa ee Guuguule ayaa deel-Qaaf ka soo muuqday. Gabaygani xaraf raaciisu wuxu ahaa xarafka”G”. Laakiin bilawgaba waxa kaaga muuqanaysa in uu Deel-Qaafay. Ismaaciil wuxu yiri:
“Guuguulihiiyoow haddaad gu’ga u ooyayso
Haddaad moodey keligaa inuu gubayo jiilaalku”
Meeriska danbe ee gabayga ayaa Deel-Qaafku ka muuqdaa; gabayga hojiskiisa ayaa laga waayey erey ku bilawda xaraf “G” ee uu gabaygu ku socdey, taasoo la macno ah inuu Deel-Qaaf yahay.

FG: Maansooyinka aan  tusaalaha u soo qaatay, waa sida ay diiwaanka ugu jiraan. Waxna kuma darin, waxna kama reebin.



waxa qoray: Cali Cabdirisaaq Cali-Ayaanle (Shardiid)

Fadlan ra'yigaaga hoos iigu reeb.